Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo xidheenka Webiga Niil+Sawiro lagu qaaday Satelite

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo xidheenka Webiga Niil+Sawiro lagu qaaday Satelite

Dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilowday inay buuxiso biyo xireenka ay ka dhiseyso webga Nile, xili aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin khilaaf ka dhashay buuxinta biyo xireenkaasi.

Sawiiro lagu qaaday satellite intii u dhaxeysay  27-kii bishii Juun iyo 12-ka bishan ayaa muujinayaa in dowlada Itoobiya bilowday in ay buuxiso biyo xireenka, waxa ayna sawirada sidoo kale muujiyeen biyo xireenka oo buux dhaafay,

Dowlada Itoobiya ayaana ka gaabsatay in ay ka hadasho sawiraddan cusub ee  lagu qaaday Sateliteka ee muujinaya in ay bilowday buuxinta biyo xireenka muranka abuuray ee ka dhiseyso wabiga Niil .

Warkan cusub ayaa soo baxaya xili guul daro shalay kusoo dhamaaday wadahadalo sadex geesood ah ay muranka biyo xireenka laga dhisayo wabiga niil ka yeesheen dowladaha Itoobiya, Masar iyo Sudan.

Dowlada Itoobiya ayaa horey u sheegtay in bishan ay buuxineyso biyo xireenka , waxaana Itoobiya biyo xireenkan kasoo galaya dhaqaale badan halka Masar ka cabsi qabto in biyo xireenka saameyn ku yeesho Wabiga Niil oo shacabka Masar noloshooda ku tiirsan tahay.

BUX-1.jpg?resize=620%2C370&ssl=1 BUX-2.jpeg?resize=640%2C420&ssl=1 BUX-3.jpg?resize=650%2C1016&ssl=1

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this