Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Danab iyo Gor-Gor oo gacanta ku soo dhigay saraakiil sare oo Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Gor-Gor ayaa howlagllo ay maanta ka fuliyeen deegaanada Muqbaarak iyo Daaru-salaam ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku soo qabteen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Howlgalladaas kadib ciidamada ayaa soo bandhigay sawirrada laba sarkaal oo ay magacyadooda ku kala sheegeen Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdullaahi Maxamed Cabdi, kuwaas oo Al-Shabaab u kala qaabilsanaa dhinacyada sirdoonka iyo maxkamadda guud ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in saraakiishaas lala soo qabtay illaa shan dagaalame oo ilaalo u ahaa.

Sidoo kale Taliye Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamadu labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay deegaano badan oo dhaca gobolka Shabeellada Hoose ay ku burburiyeen saldhigyo iyo goobo ay weerarrada kasoo qaadi jireen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

8b71aa67-3112-4425-8a2c-03a171a9a436.jpg baa9c369-f61b-4ed6-abd8-becd19386b30.jpg e4e0b9d2-dd79-40ab-945f-c7dbcd2ea7bf.jpg e24d83b5-0985-4dc7-8d00-2e4d980822d0.jpg f803b148-0663-4fd5-8ccb-afa1478756f2.jpg miino-baar.jpg xoogga-dalka-danab-howlgal-xoreyn.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this