Deeq A. Posted July 12, 2020 Ciidamada dowladd, gaar ahaan qeybta taliska 27-aad ee ka howlgala deegaanada Hirshabelle ayaa waxay howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyeen wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad iyo deegaano kale oo dhowr ah. Howlgalkan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa ciidanka Xoogga Dalka waxay ku gaareen deegaano badan oo la tuhunsanaa iney ku sugan yihiin Al-Shabaab,inkastoo uusan jirin dagaal dhex-maray Ciidamada iyo Al-Shabaab. Deegaanada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Jariirow, Gololey Moobleen, Dhumaley, Madax Gisi, Lafa-Gare, Saarsaare, Cadiga Moobleen,Buulo mareereey iyo Gumareey oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Generaal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in u jeeka howlgalka uu ahaa mid la doonayay in degaannadaas looga saaro Al-Shabaab. Tareedisho ayaa Ciidanka ku boggaadiyay howlgalka ay ku qaadeen Al-Shabaab,waxaana uu sheegay inay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan waxkasta oo keeni kara amni darro kana hortagayaan. Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabelle iyo Ciidamo ka geystay Al-Shabaab. Dhinaca kale ciidamada Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa xalay gudaha degmadaasi ay ka qabteen Nin la sheegay in uu ku labisnaa dharka Dumarka,kaas oo magaalada lagu arkay. Ninkaan oo aan wadan wax hub ah ayaa dadka ku nool degmada Balcad ay sheegeen in laga qabtay.isaga oo dhex socda bartmaha magaalada,hayeeshee aysan ogeyn waxa uu damacsanaa. Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Ninkaasi ay ciidamada gacanta ku dhigeen,isla markaana baaritaano ay ku socdaan, View the full article Share this post Link to post Share on other sites