Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Janaale oo soo saaray digniin culus (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Janaale (Caasimada Online) – Maamulka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku aadan ganacsatada qaadka keena, xili ay xayiraad dad-ban ay saaran tahay.

Maamulka deegaankaasi oo gacan ka helaya ciidamada dowladda ee ku sugan Janaale ayaa goob fagaare ah ku gubay qaad faro badan oo siyaabo kala duwan lagu soo galiyay deegaankaasi.

Maamulka Janaale ayaa sheegay inay sharci daro tahay qaad la keeno deeganadaasi, maadama ay xusen inay gebi ahaanba deeganadooda ka mamnuuceen.

Saraakiisha ciidamada iyo maamulka deegaanka ayaa si wada-jir ah ugu digay ganacsatada qaabka sharci darada ah ku keena qaadka, iyagoona sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan.

Guddoomiyaha Janaale oo isagu warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay inaysan marnaba ka maamul ahaan aqbaleyn in deeganadooda la keeno qaadka, xili uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah amni darada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qaadku uu qeyb weyn ka ciyaaro falalka amni daro ee ka dhaca deegaankaasi, iyada oo mararka qarkood la doonayo in lagu mashquuliyo Ciidamada difaacyada ku jira ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka uga joojisay qaadka, sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19, wallow uu qaabab kala duwan oo sharci daro ah uu ku soo galo gudaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this