Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo qado sharaf u sameeyey madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya  oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxeynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Garee. Iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb waxaana lagu wadaa in shirka madaxda dowlad Goboleedyada uga hadleen siyaasadda dalka ,xaalada kala guurka oo ay ugu horeyso doorashada 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this