Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Madaxweyne Waare ayaa halkaasi kaga qayb-galaya Shirka madaxda dowlad goboleedyada oo uga furmaya Dhuusamareeb kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashada madaxtinimada Soomaaliya iyo sidoo kale Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa berri galinka hore gaari doona Dhuusamareeb halkaas oo maantaba ay tageen wefdiyo hordhac u ah madaxdaas.

Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana madaxda qaarkood iska sii hormariyeen ilaalo gaar ah sida madaxweynaha Puntland oo ilaaladiisa ay maanta gaareen Dhuusamareeb.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this