Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriye lagu qaadayo qodobo dhacay oo ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Talaado ahayd waxaa Maxkamadda gobolka Banaadir ka soo hor-muuqday tafaftiraha warbaahinta Goobjoog, Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo 14-kii Abriil 2020 lagu xiray Muqdisho, 19-kii isla bishaasna lagu sii daayay damiin ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay labo qodob oo loo cuskaday faafin warar been abuur ah iyo ku xadgudub madaxeed.

Dhageysiga dacwada oo ay dibad joog ka ahayd warbaahintu, waxaa dood dheer kadib Maxkamaddu go’aamisay in ay dib go’aan uga soo gaari doonto dacwada loo haysto Weriye Cabdicasiis Gurbiye.

  • Weriye-Gurbiye.gif?w=1000&ssl=1Weriye Cabdicasiis Gurbiye

Qareennada u doodada Weriye Gurbiye oo la hadlay warhaainta ayaa ka horyimid eedeymaha loo soo jeediyay Weriye Gurbiye waxayna sheegeen in aan weriyaha lagu eedeyn karin Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, sidoo kale waxay tilmaameen in ay is-hortaagyo sharciga waafaqsan ku sameeyeen dacwada loo heysto weriyaha.

Dhanka kale xubno ka tirsan ururada saxaafadda Soomaaliya ayaa sheegay in aan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed lagu qaadi karin Weriye, maadaama Maxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bishii Maajo ee sanadkan soo saaray in aan xeer ciqaabeed Weriye lagu xukumi karin.

Sidoo kale waxay xuseen in dhowr jeer la baddelay eedeymaha loo haysto Weriye Gurbiye, kuwaas oo ay tilmaaameen in ay ka imanayaan Madaxtooyada Soomaaliya.

Hay’adda Xuquuqa Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay soo saartay waxay ku tilmaantay eedaha ka dhanka Weriye Cabdicasiis Gurbiye kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Sanadihii u dambeeyey mas’uuliyiinta dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Al-shabaab ayaa weerar, xarig  iyo cabsi gelin ku hayay shaqaalaha warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Weriye lagu qaadayo qodobo dhacay oo ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this