Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha JF oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.

Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

106988137_3132028476881609_3449576227267848746_o 106912910_3132021173549006_5442346358637194019_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this