Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Faah faahino ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay ka soo horjeedka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray xarunta laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taallada halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhaawacmay illaa 5 askari, iyadoona uu ku dhintay darawalkii waday gaariga qarxay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana weli goobta ku sugan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed oo halkaasi ka wada baaritaano dheeraad ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

4-1 1-1 2-1 3-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this