Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal isku dayey inuu dilo Ra’iisul Wasaare Dalka Kanada Justin Trudeau oo gacanta lagu dhigay +Sawirro 

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal isku dayey inuu dilo Ra’iisul Wasaare Dalka Kanada Justin Trudeau oo gacanta lagu dhigay +Sawirro

 canada.jpg

Booliska Canada ayaa sheegay iney qabteen Nin hubaysan oo ka tirsan milatariga dalkaas ka dib markii uu xoog ku galay albaabka xaafad uu deggan yahay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Justin Trudeau oo ku taalla magaalada Ottowa.

Ninkaasi ayaa gaari jiirsiiyay albaabka weyn ee laga soo galo xaafada Rideau Hall oo ah halka uu magaalada Ottawa ka deggan yahay ra’iisalwasaare Trudeau, ka hor inta aysan boolisku qaban.

Justin Trudeau iyo xubnaha qoyskiisa ayaa ka maqnaa gurigooda markii uu falkan dhacayey, waxaana la sheegay iney si ku meel-gaar ah u deggan yihiin xaafaddan inta laga dhameystirayo dayactir ku socdo gurigiisa rasmiga ah.

Booliska ayaa sheegay in ninkaasi hubeysan uu ka tirsan yahay milatariga dalkaasi,  waxaana magaciisa lagu sheegay Corey Hurren, iyadoo la baarayo haatan ujeedada uu falkan u geystay iyo waxa uu damacsanaa.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray ganjeelka laga soo galo xaafaddaasi, taasi oo ninkani uu ku dhuftay gaari uu watay sida ay muujinayaan Sawirro laga soo qaaday albaabka kore ee laga soo galo xaafaddaasi.

Gaariga uu ninkani ku dhuftay ganjeelka ayaa markii dambe waxaa loogu yeeray ciidamada u tababaran furfuridda walxaha qarxa si ay walxaha qarxa uga raadiyaan.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xili Mr. Trudeau uu dhawaan qaaday tallaabooyin uu ku xaddidayo iibsiga noocyada qaar ee hubka ka dib markii horraantii sanadkan gobolka Nova Scotia ee dalkaasi uu ka dhacay weerar toogasho ah oo dad badan lagu laayey.

safe_image.jpg?resize=696%2C363&ssl=1Corey Hurren NINKA WEERARKA FULIYEY
000228_rideau_hall_jpg.jpg?resize=696%2Ccp17828058.jpg?resize=696%2C464&ssl=1hhh.jpg?resize=696%2C393&ssl=1rtt.jpg?resize=696%2C392&ssl=1Sussex-Drive-gate-Cormac.jpg?resize=696%tr.jpg?resize=696%2C522&ssl=1unnamed.jpg?resize=696%2C463&ssl=1 shutterstock_373957927.jpg?resize=696%2CRa’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this