Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Addis Ababa oo ay dad ku dhinteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen booliska.

Booliska ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qalalaasaha ka dhacay Itoobiya ay haatan gaartay 80 kaddib dilkii loo geystay fanaanka ka caanka ah dalkaas Hachalu Hundesa.

Waxaana lagu soo warramayaa in dibadbaxyaal careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas oo codsanaya in xabsiga laga soo daayo Jawar Maxamed.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dibadbaxyadu ay rabshado kale ka dhashaan.

Ciidammada militariga ayaa la geeyay waddooyinka magaalada Addis Ababa si ay u dejiyaan xaaladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this