Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka socda Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in halkaas maanta duhurnimadii uu ka bilowday dagaal ku dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamo ka kala tirsan Booliska gaarka ah ee Federaalka Haramacad iyo kuwa Nabad Sugidda (NISA), ayaa gudaha Dhuusomareeb dagaalka ku dhexmarayaa, kaas oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ka soo baxaya dagaalkaas ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, dagaalka ayaana wali socda muddo hadda ku dhow hal saac.

Dagaalka ayaa sida la sheegay dabasocda muran maalmahan u dhaxeeyay talisyada labadaas ciidan.

Wixii ka soo kordha halkan kala soco

PUNTLAND POST

The post Dagaal ka socda Dhuusomareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this