Sign in to follow this  
Deeq A.

 Abiy Ahmed oo dib ugu laabtay dalkiisa+Wararkii ugu dambeeyey shirka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

 Abiy Ahmed oo dib ugu laabtay dalkiisa+Wararkii ugu dambeeyey shirka Jabuuti

 abiy-5-300x168.jpg

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka qeyb galay shirkii madaxda Somalia iyo  Somaliland uga furmay Jabuuti ayaa saaka dib ugu laabtay dalkiisa.

Itoobiya ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahayd qaban-qaabadii shirkaas, waxaana uu khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka isagoo Soomaalida ugu baaqay iney jebiyaan derbiga dhexdooda ah, dibna u midoobaan.

Waxaa uu dhowr jeer ku celceliyay ereyga ah walaalahey Farmaaajo iyo Muuse isagoo muujinayay walaaltinimo iyo wadadhalasho, waxaana ku jirtay khudbadiisa (We are blood brothers) oo la micno ah walaalo isku dhiig ah ayaa nahay.

I am pleased that the consultation summit on relations b/n Somalia & Somaliland, hosted by @IsmailOguelleh with the presence of @M_Farmaajo & @musebiihi took place today. This is a critical demonstration of open dialogue & reconciliation for national & regional dev’t. pic.twitter.com/106206DVkl

— Abiy Ahmed Ali 🇪🇹 (@AbiyAhmedAli) June 14, 2020

Abiy Ahmed ayaa xusay in meelo badan oo  dunida ka mid ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waa-weyn kuwa dhex yaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda, soona afjaraan farqiga u dhexeeya.

Dhinaca kale, Maanta ayaa mar kale waxaa sii socon doona wada-hadallada, waxaana ajandaha ugu weyn ee Maanta uu yahay diyaarinta Guddiyo farsamo oo labada dhinac ka socda, kuwaasoo sii wadi doona kulamada, isla markaana fadhigoodu noqon doono Jabuuti.

Mareykanka iyo Jabuuti ayaa gadhwadeen ka ah isku keenida Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland.

Siyaasiyiinta mucaaradka Somalia ayaa qaba in arrintan ay Madaxda sareu tahay olole doorasho, iyagoo isweydiiyey sababta uu Madaxweyne Farmaajo u dhaqaajin waayey wadahadalka Somaliland mudadii 3-da sano iyo badhka aheyd ee uu talada dalka hayey.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this