Sign in to follow this  
Deeq A.

 Abiy Axmed oo ka degay Jabuuti+Sidii loogu soo dhaweeyay Madaarka & Cida ka hortagtay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 Abiy Axmed oo ka degay Jabuuti+Sidii loogu soo dhaweeyay Madaarka & Cida ka hortagtay

Sawirro: Abiy oo ka dagay Jabuuti, qeybna ka ah shirka Soomaaliya iyo Somaliland

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa goor dhow gaaray jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey.

Abiy Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ambouli uga hortagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti.

Ujeedka safarka Abiy Axmed ayaa ah ka qeyb-galka shirka ballaaran ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ee maanta ka furmaya gudaha dalkaasi, maadaama uu ahaa maskaxda ka dambeysay kulankii Farmaajo iyo Biixi ku dhe-maray Addis Ababa.

Sidoo kale wuxuu ka qeyb-gali doonaa wejiga koowaad ee shirka oo diirada lagu saari doono arrimo la xariira iskaashiga dalalka geeska Afrika, siiba amniga iyo siyaasadda.

Itoobiya ayaa sidoo kale qeyb ka ah wadamada sida weyn u qorsheeyey qabsoomida shirkaasi iyo in dib loo bilaabo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

104104004_3354619594572156_9286086344038 104206237_3354620191238763_8339383577743 11-1.jpg 12.jpg103916505_3354620277905421_4828584970963

PM @AbiyAhmedAli and his delegation arrived in Djibouti City to attend a consultation summit on relations between Somalia and Somaliland relations.#PMOEthiopia pic.twitter.com/mLYivg698m

— Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) June 14, 2020

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this