Sign in to follow this  
Somalina

Refugee series: Sowda Hussen Mohamud

Recommended Posts

Somalina   

Twenty two-year-old sports reporter Sowda is a refugee from the war in Somalia, and lives in Mayfair, Johannesburg, having fled her country after threats from extremists who believe women should not be journalists. She shares her concerns about the possibility of renewed xenophobia attacks after the World Cup.

 

Video

 

Allah ummadeena u gargaar!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aamiin, aamiin. Ummadeena dhib iyo masiibo weyn ayaa heysato, walaahi.

 

From Koonfur Afrika to

to Malta to Giriig. Waa la wada rafaadsanyahay.

 

Haba sheegin kuwa kasii daran xirooyink qaxootiga Dhadhaab ee NFD, Yeman, Ugaanda iyo Itoobiya ku jiro. Kuwaas xaalkooda lamaba sheegi karo.

 

Qof ayaa hore u yiri Soomaali cidna uma maqna, ceelna uma qodna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gudiga Xuquuqul Insaanka Barlamanka oo ka hadlay dhibatada Qaxootiga Somalida.

 

September 30, 2010

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Gudiga Xuquuqul Insaanka barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay iin wadama ay ku barakaceen dadka Soomaaliyeed dhibaatooyinka kala duwan loogu gaysanayo taasi uu ku sababeeyeen dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah gudoomiyaha gudiga Xuquuqul Insaanka barlamanka KMG ee Soomaaliya, ayaa waxa uu ka hadlay dadka jooga dalka dibadiisa ee uu tilmaamay in dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin jirdil , handadaad joogto ah iyo waliba in xabsiyada wadama Caalamka qaarkood lagu iloobay.

 

Xildhibaan Cawada Axmed Cashara waxaa kale ee uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed 100%85 ay ku jiraan xabsiyada wadamada Caalamka isagoo 81-wadan oo ka mid ah wadamada Caalmaka in Qaxootiga Soomaalida lagu dhibaateeyo, waxaana uu tibaaxay in ay ka mid yihiin, wadanka Suudan ee uu tilmamay in Qaxooti farabadan ay ku jiraa dalkaasi waxaana uu carabka ku adkeeyay in wax laga qabto amniga islamarkaana la iska ilaabo nin jecleysiga iyo Qabyaaladda si dadkaasi Soomaaliyed ee lagu dhibaataynayo wadamada Shisheeye ay ugu samato baxaan dhibatooyinkasi.

 

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah gudoomiyaha gudiga Xuquuqul Insaanka barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay muuqato ina aysan Soomaaliya gacanta dadkeeda aysan ku jirin, isgoo tibaaxay in gacmaha kula jiraan dad shisheeye ee uu sheegay in uu dalka ka dagi la’yahay, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu si deg deg ah u soo magacaabo Ra’iisul wasaare soo dhisa Xukuumad tayo leh oo waxa ka qabta marxaladaha adag ee dalka ka jira.

 

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa marba marka kale si xowli ah ugu ambabaxaya gudaha Muqdisho iyo gobolada dadka Soomaaliyeed haba ugu badnaateee dhalinyarada, kuwaasi oo aadaya wadama shisheeye oo umuuqanaysa in dadkii horey ugu tagay dalka Soomaaliya ay dhibaatooyinka kala duwan ay ku heystaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this