Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa maal-geliyey barnaamijka Baxnaano ee uu sheegtay madaxweyne Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 18-kii April daah-furay Barnaamij loogu magac daray Baxnaano, oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah.

Madaxweynaha ayaa sheegtay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay “dadaalka ay xukuumadda ku bixineyso xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka.”

“Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9-aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha marnaba ma sheegin in barnaamijkan uu yahay mid ay fulinayaan hay’ado caalami ah, oo dowladda aysan wax shaqo ah ku lahayn marka laga reebo in lacagta lagu bixinayo loo soo mariyey un.

Hase yeeshee, agaasimaha Bankiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Carlos Felipe Jaramillo oo war qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Bankiga Adduunka uu maal-gelinayo Barnaamijka Baxnaano.

Agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay furista mashruuca cusub ee Baxnaano.

“Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa furista mashruuca ‘Baxnaano’ (Response Safety Net for Human Capital Project -SNHCP) oo uu maalgeliyay Bankiga Adduunka. Qorshahan waxaa lacag caddaan ah lagu siin doonaan dadka danta yar iyo qoysaska liita,” ayuu yiri agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo.

I congratulate Somalia for launching the @WorldBank @WBG_IDA financed Shock Response Safety Net for Human Capital Project (SNHCP) Baxnaano program. The initiative will extend cash transfers to targeted poor/vulnerable households. @somaliapm @samirasawlani @SomaliPM @USAIDSomalia pic.twitter.com/eCoRhsO1lL

— Carlos Felipe Jaramillo (@CFelipejaramil1) April 20, 2020

Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada, barnaamijkan ayaa waxaa wajigiisa 1-aad ka faa’iideysanaya 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Waxaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Milyan oo doolar bishiiba.

Inkasta, oo aan laga bixin faah-faahin badan, haddana haddii sida dowladda ay sheegtay lacagta 4-ta milyan ah loogu talo-galay 1.3 milyan oo qof, waxaa midkiiba bishii kusoo aadeysa lacag qiyaastii 3 dollar oo kaliya ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this