Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo warbixin ka dhegaystay guddiyada dowlad goboleedyada u qaabilsan COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, kaas oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo xanuunka COVID-19.

Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay  in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, waxaana uu ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo warbixin ka dhegaystay guddiyada dowlad goboleedyada u qaabilsan COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this