Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil loo geystay wade Bajaaj oo banaanbax sababay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu xalay nawaaxiga isgoyska Banaadir ku dilay wade Bajaaj.

Goobjooge la hadlay idaacadda Shabelle oo xaqiijiyey dhacdadaas ayaa sheegay in askariga uu baxsaday falkaas kadib.

Ma cadda hadii laamaha ammaanka ay soo qabteen askarigaas la eedeeyay, wallow aysan caddeyn waxay isku qabteen.

Sidda ay ku waramayaan goobjoogeyaal, dilka ka dib, banaanbax xoogan ayaa ka bilowday isgoyska KM4 illaa iyo wada Sayidka.

Dibad-baxayaasha oo ahaa wadeyaal mooto Bajaaj ayaa dalbadey in uu cadaalad helo saaxibkood ay isku shaqada ahaayeen.

Maxkamada Ciidamadda Soomaaliya ayaa horey xukuno kala duwan waxay ugu ridday askar lagu eedeeyay in ay dileen wadeyaal mooto Bajaaj.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this