Deeq A. Posted March 27, 2020 Muqdisho (SMN) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu xalay nawaaxiga isgoyska Banaadir ku dilay wade Bajaaj. Goobjooge la hadlay idaacadda Shabelle oo xaqiijiyey dhacdadaas ayaa sheegay in askariga uu baxsaday falkaas kadib. Ma cadda hadii laamaha ammaanka ay soo qabteen askarigaas la eedeeyay, wallow aysan caddeyn waxay isku qabteen. Sidda ay ku waramayaan goobjoogeyaal, dilka ka dib, banaanbax xoogan ayaa ka bilowday isgoyska KM4 illaa iyo wada Sayidka. Dibad-baxayaasha oo ahaa wadeyaal mooto Bajaaj ayaa dalbadey in uu cadaalad helo saaxibkood ay isku shaqada ahaayeen. Maxkamada Ciidamadda Soomaaliya ayaa horey xukuno kala duwan waxay ugu ridday askar lagu eedeeyay in ay dileen wadeyaal mooto Bajaaj. View the full article Share this post Link to post Share on other sites