Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax noociisa ismiidaamin lagu sheegay oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo isku qarxiyey maqaaxi lagu shaaxo oo ku taalla isgoyska Sayidka dhanka Baar Bulsho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha uu qaruxu ka dhacay mararka qaar ay fariisan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey sida wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo isku geedaamay halkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/COD.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this