Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha guddiga caleema-saarka Qoor Qoor oo Xaaf la kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay in uu la kulmay madaxweynihii hore ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Guddoomiye Yuusuf Garaad Cumar oo qaban-qaabinaya xafladda Caleema-saarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu Gaalkacyo ku booqday madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale tilmaamay in isaga iyo madaxweyne Xaaf ay isla soo qaadeen sheekooyin dhinacyo badan oo isu’gu jira dhacdooyin hore kuwa hadda taagan iyo Mustaqbalka Galmudug.

Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka” ayuu yiri Yuusuf Garaad

Ex. Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa horay u qaaddacay doorashadii ka dhacday dowlad goboleedka Galmudug ee lagu doortay madaxweyne Qoor Qoor taasi oo uu Xaaf ku tilmaamay mid xaaraan ah oo dowladda Federaalka ku shubatay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha guddiga caleema-saarka Qoor Qoor oo Xaaf la kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this