Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Deegaanadeeda Ka Mamnuucday Dharka Huudheyda Ah, Cabsi La Xiriirta Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa uu war ka soo saaray dharka Huudheyda ah ee la keeno deeganada Puntland, waxaana gabi ahaanba booliska Maamulkaasi ay mamnuuceen dharkaasi, sababa la xiriira xanuunka Coronavirus.

Taliyaha booliska Punltand Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gorowe ayaa sheegay in deegaanadooda ay ka mamnuuceen dharka horey loo soo isticmaalay ee Huudheyda loo yaqaan, waxa auuna ciidanka faray in ay gubaan haddii gacanta ay ku dhigaan dharkaasi.

Sidoo kale Generaal Muxiyadiin ayaa tilmaamay in go’aankaan uu yahay mid looga hortagayo cudurka Coronavirus, waxa uuna bulshada deegaanadooda ugu baaqay in ay feejignaan muujiyaan islamarkaana ay ku dadaalaan nadaafadda.

Amarka taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli caalamka uu fara ba’an ku hayo xanuunka Coronavirus, waxaana kiisaskii ugu horeeyay laga helay bariga Afrika gaar ahaan wadamada Ethopia iyo Kenya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this