Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Amniga Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb kulan looga hadlayay amniga kula yeeshay saraakiisha amniga ee maamulkiisa.

Shirkan oo ah kii 8-aad ee shirka golaha amniga ayaa waxa shir guddoominayay madaxweynaha Galmudug waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii lagu dar dar galin lahaa amniga deegaanada Galmudug gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa warbixin looga dhageystay saraakiisha amniga qorshahooda uga aaddan amniga Galmudug iyo sidii deegaanada gacantooda ka maqan ay uga saari lahaayeen dagaalamayaasha Al shabaab.

Shirkan looga hadlayay aminga Galmudug ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli dhowaan la filayo in Magaalada Dhuusamareeb ay ka qabsoomto xafladda caleema saarka ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xilli shalay magaaladaas ay gaareen wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga  xafladda caleema saarka Yuusuf Garaad Cumar.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this