Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo digniin adag u dirtay maraakiibta kalluumeysi ee wadamada Iran iyo Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Baddaa Soomaaliya, Xildhibaan C/laahi Bidhaan Warsame oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa digniin u diray maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysata biyaha Soomaaliya.

Bidhaan ayaa si gaar ah farta ugu goday maraakiibta laga leeyahay wadamada Iran iyo Pakistan, isagoo amray inay xeebaha Soomaaliya uga baxaan si deg-deg ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale dalbaday inay gacan siiso cid-kasta oo dowladda federaalka ka caawin karto soo qabashada maraakiibta shisheeye ee xaalufinaya xeebaha dalkeena.

“Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah wadanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in markaakiibtaasi ay gaarayaan illaa 43 markab, islamarkaana ay badan kood ku jiraan xeebaha Galmudug iyo Puntland.

Ugu dambeyn wasiirka tilmaamay in maraakiibtaasi ay sababi karaan in markale ay dib u soo laabtaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida oo waayadii dambe laga adkaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this