Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo baajisay kulankii Farmaajo iyo Uhuru

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu shaaciyey in dib loo dhigayo kulan Nairobi ay ku yeelan lahaayeen madaxweynaayasha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalkaa ka soo baxay Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee maalinta Isniinta ah ay dib u dhigeyso, islamarkaana uusan qabsoomi karin kulanka uu la lahaa dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa qoraalka ay soo saartay ku xustay inay dib ka soo sheegi doonto xilliga rasmiga ah ee uu kulankaasi dhici doono.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibada dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in sidoo kale uu baaqanayo kulan saddex geesood ahaa oo 16-ka bishaan dhexmari lahaa madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, islamarkaana kulamadaasi ay xilli kale qabsoomi karaan.

Si kastaba ha’ahaatee go’aanka dowladda Kenya ay dib ugu dhigtay kulamada dibloomasiyadeed ee uu ka qeyb gali lahaa madaxweynaha dalkaasi ayaa ku soo beegmaya xilli, shalay dalalka Itoobiya iyo Kenya ay xaqiijiyeen kiisas la xariira cudurka Coronavirus.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this