Sign in to follow this  
Deeq A.

QOOR QOOR oo saddex arrimood kala hadlay golaha amniga Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan xasaasi ah gudaha magaalada Dhuusamareeb kula qaatay golaha amniga ee maamulkaasi.

Kulankaan oo ahaa kii 8-aad ee golaha amniga maamulka Galmudug ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha nabad gelyada ee deegaanada maamulkaasi.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhageystay xubnaha golahaasi, taas oo ku aadaneyd xaaladaha ammaan ee gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Intaasi kadib kadib ayaa waxaa la soo bandhigay saddex qodob oo diirada lagu saaray shirka, kuwaas oo kala ahaa:-

1. Dardargelinta siyaasada amniga Galmudug.
2. Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka.
3. Xoreynta deegamada ay haystaan Al-Shabaab.

Ugu dameyn Qoor Qoor ayaa faray saraakiisha ammaanka inay xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortagayo falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filayaio in xaflada caleema saarka madaxweynaha Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this