Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay Qorshaha joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Kampala ee Caasimadda waddanka Uganda waxaa kulan ku yeeshay madaxweyneyaasha Uganda Yoweri Museveni iyo Ethiopia iyo Sahle-Work Zewde, waxaana ay kawada hadleen Muranka Webiga nile iyo Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada dalalkaas ka socda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Kulanka labada madaxweyne waxa ay ku falanqeeyeen ka sokoow Xaaladda Webiga Nile, qorshaha joogitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo waqti dheer uu qaatay howlgalkooda.

Yoweri Museveni iyo Sahle-Work Zewde waxa ay isla gorfeeyeen sidii ay baaqi gudaha Soomaaliya ay ugu sii ahaan lahaayeen Ciidamada AMISOM ilaa inta isbadal muuqdo uu ku imaanayo xaaladda dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Madaxweynayaasha Uganda iyo Ethiopia waxaa lagu sheegeen in ay isla garteen labada Madax dhammaan dhinacyadii ay kawada hadleen, isla markaana waxa ay soo jeediyeen in laga fogaado colaad ka dhalata muranka Webiga Nile.

Sidoo kale waxa ay is tuseen in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu isbadal ku socdo, sidaas awgeed waxa ay ku baaqeen in askarta Afrika ay baaqi kusii ahaadaan Gudaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Uganda iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay Qorshaha joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this