Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu qaadey saldhigyo ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay inay weerareen saldhigyo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose.

Xerooyinkaan ay leeyihiin Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ku kala yaala degaanada Bariire iyo Awdheegle.

 

Illo degaanka ah ayaa idaacadda Shabelle u xaqiijiyey in weerarka uu dhacay habeenimadii xalay isla markaana u cuslaa.

Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhasha isku dhaca.

Al-Shabaab ayaa siddaan oo kale waxay habeenkii Arbacada ay beegsatay saldhig ciidan oo ku yaala Afgooye, wallow aan la xaqiijin waxyeeladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this