Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Canada Oo Karantiil U Galay Cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ottawa)-Raysal Wasaaraha Justin Trudeau ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Caabuqa Corona awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay.

Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK.

Waxaa lagu sameeyay baadhitaan ku aaddan caabuqa, iyada iyo Ra’iisul Wasaarahana waxay isku soo xidheen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baadhitaanka kasoo baxeyso.

Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka.

Dhakhtarkiisa ayaa kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.

Hase ahaatee si wax walba loo hubiyo, wuxuu kasoo shaqeynayaa gurigiisa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mr Trudeau ayaa la qorsheynayay inuu ka qeyb galo kulamo labada maalmood ee soo socota ka dhici lahaa magaalada Ottawa.

Dhammaan shirarkaas oo uu Ra’iisul Wasaaraha kula kulmi lahaa madaxda gobollada ayaa hadda la baajiyay.

Justin-Trudeau.jpg

Mr Trudeau wuxuu hadda mas’uuliyiinta shirarkaas uu ku arki lahaa kula sheekeysan doona khadka telefoonka.

Mowduuca ugu weyn ee uu kala hadli doono waa sida ay Canada uga jawaabeyso go’aanka ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka cudurkan ugu tilmaantay mid saf-mar ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this