Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo loo tababarayo ka hortagga Cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM, ayaa bilaabay tababaro la xariira sida looga hortago Caabuqa Coronavirus ee ku sii fidaya Caalamka.

Taliyaha Hoggaanka Adeegga Caafimaadka ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Ambrose Musinguzi ayaa Tababarkaasi ka furay Xarunta Baarista Xanuunadda ee Mubuya, wuxuuna  Wasaaradda Caafimaadka ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay Ciioddanka Caafimaadka u tababaraan Khibradaha looga hortegi karo Caabuqa Koronafayriska ee khatarta ku haya dalalka Caalamka.

Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddanka Uganda qeyb ka tahay Waajibaadkooda shaqo ina y ka fal-celiyaan Gurmadka Degdegga iyo Taageeradda si dadka loo badbaadiyo Caabuqa Coronavirus.

Taliyaha Hoggaanka Adeegga Caafimaadka ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Ambrose Musinguzi ayaa xusay in xubno ka tirsan Ciiddanka la tababarayo loo soo diri doono Soomaaliya, si ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM uga wacyi-geliyaan Khatarta Caabuqa Koronafayriska.

PUNTLAND POST

The post AMISOM oo loo tababarayo ka hortagga Cudurka Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this