Sign in to follow this  
Deeq A.

FBI-Da Mareykanka Oo Baadheysa Isku Daygii Dil Ee Raysal Wasaaraha Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Baadhayaal ka socda Mareykanka ayaa Sudan ka caawin doona baadhitaanka lagu sameynayo isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, waxaa sidaas Arbacadii shalay sheegay wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Sudan.

Faisal Mohammed Saleh ayaa weriyayaasha u sheegay in koox ka tirsan FBI-da ay soo gaadheen si ay ugu biiraan baadhayaasha Sudan.

Hamdok ayaa isaga oo aanay waxyeelo gaadhin Isniintii ka bad-baaday isku day lagu khaarajin lahaa, ayada oo la adeegsanayo qarax lala beegsaday kolonyadiisa.

Baadhayaasha Mareykanka ayaa ku biirin doona Sudan “khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah”, sida uu sheegay Saleh.

Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa wasiirka ayaa sheegay in kooxda Mareykanka ay ka kooban yihiin saddex qof.

abe4df12-22ba-4520-a032-995283a50126_w10

Golaha amniga iyo difaaca Sudan ayaa Isniintii kulmay, waxayna codsadeen caawimaad dibedda ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhanka ahaa Hamdok.

Mas’uuliyiinta Sudan ayaa xidhay dhowr qof oo ay ku jiraan ajaaniib, sida uu sheegay Saleh, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sudan ayaa Arbacadii sheegtay in qaraxa uu sababay miino la dhigay waddada ay marayeen kolonyada Hamdok.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this