Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarun wasaaradeed oo dayactir lagu sameynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia oo wada-shaqeyn xooggan kala dhaxayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay kulanka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane. Daahir Cabdi Cabdullaahi, Agaasimaha Guud mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyaha Wasaaradda Axmed Cilmi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxay ka wad-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada ay ka wada-shaqeeyaan gaar ahaan horumarinta Ganacsiga dalka, fududeynta Ganacsiga, dayac-tirka dhismaha Wasaaradda iyo weliba sidoo kale dhismaha xarunta Wasaaradda Warshadaha oo dhawaan la bilaabi doono taasi oo dhismihiisa Wasaaraddu ay ka taageeri doonto hay’adda UNIDO.

Mr. Ygor Scarcia oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wada-shaqeynta dhow la lee yihiin Wasaaradda Ganacsiga isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan siddii loo horumarinta lahaa Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka. Wuxu balan-qaaday inay diyaar u yihiin dhisidda xarunta Wasaaradda Warshadaha iyo sidoo kale horumarinta Ganacsatada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu hay’adda UNIDO uga mahadceliyey wada-shaqeynta dhow ee ay la lee yihiin Wasaaradda, mashaariicda ay ka taageeraan, dib-u-dhiska ay ku sameeyeen Wasaaradda iyo taageeraddooda tooska ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this