Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo dardargelineysa xiriirka kala dhaxeeya Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyey kulan uu la yeeshay dhigiisa Kenya.

Cawad oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa tilmaamay in ay kawada hadleen arrimihii u dambeeyay ee dalalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay isla soo qaadeen arrimaha xuduudka ka taagan.

Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in ay ka go’an tahay dardargelinta xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dhigeeda Kenya.

Dhanka kale, wuxuu beeniyey in dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ay ku cadaadiyeen wadahadalka ay la bilaabeen Kenya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa rajeeyay in wadahadalada mustaqbalka ay soo afjari doonan khilaafka daxaleystay ee Muqdisho iyo Nairobi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this