Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Galmudug Oo Eedeyn Culus U Jeedisay Maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka dowlad goboleedka Galmudug Ciise Nuur Taardhuleed ayaa waxa uu maamulka Puntland ku eedeeyay in aysan marnaba ogoleyn in Galmudug ay cagaheeda ku istaagto isaga oo xusay in sanadkii 2015-kii Cabdiwali Gaas uu ka shaqeynayay sidii ay ku burburi lahayd Galmudug, haatanna uu ka shaqeynayo madaxweyne deni.

Taardhuleed ayaa waxa uu ugu baaqay madaxda dowlad goboleedka Puntland in ay arrinkaasi ka baaqsadaan islamarkaana ay ilaaliyaan derisnimada labada maamul, waxa uuna ammaan u jeediyay shacabka reer Puntland.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa shacabka reer Galmudug waxa uu ugu baaqay in ay la qabsadaan nidaamka haatan jira, isaga oo sidoo kale shacabka u sheegay in ay xoryihiin sidaa darteedna ay taageeri karaan cidda ay doonaan.

Sidoo kale Taardhuleed waxa uu sheegay madaxdii Ahlu sunna ee isaga tanaasulay siyaasadda Galmudug in aysan hormuud ka ahayn halgankii Al shabaab looga xoreeyay degaanada Galmudug balse waxa uu tilmaamay in ay qeyb ka ahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Halkan ka dhageyso codka afhayeenka Galmudug

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/89606585_2657848584432572_7711819070814814208_n-online-audio-converter.com_.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this