Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Kafaalo qaaday Nolosha Qoys uu ka dhintay weriye ka tirsanaa Ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxuumka ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadayso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u shahiiday dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha ciidamada dowladdu ka gaareen  Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah bukaannada ku jira cusbitaalka Yardimeli, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladdooda caafimaad ka dhegaystay dhakhaatiirta dabiibeysa iyo Agaasimaha cusbitaalka Mudane Ibraahim Maxamed Xasan.

1-17.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Kafaalo qaaday Nolosha Qoys uu ka dhintay weriye ka tirsanaa Ciidamada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this