Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyeyaal shaqada looga eryay Dacaayad & Sawirro ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xaaskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wariyeyaal shaqada looga eryay sawir ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xaaskiisa

.Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Labo wariye oo ku sugan dalka Itoobiya ayey shaqada ka eriday Wakaaladda Wararka ee ay leedahay dowladda, kaddib markii ay daabaceen sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xaaskiisa oo qol hurdo iskula jira.

Sawirka oo ah mid la jarjaray, oo wajiyada Abiy Axmed iyo xaaskiisa la dul saaray dad kale, ayaa muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo dhulka jiifa isagoo buste huwan, halka xaaskiisa, Zinash Tayachew, ay saarantahay sariir agtiisa ah, iyadoo waliba dhoollacaddeyneysa.

Sawirkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalka Itoobiya, tan iyo markii la daabacay maalintii Isniinta.

Qoraal ku saabsan jadwalka doorashada oo ay wakaaladda diyaarisay ayaa lala daabacay sawirka.

Wakaaladda ayaa sawirka ka bixisay boggeeda, waxayna islamarkiiba ka bixisay raalligalin.

.Wakaaladda Suxufiyiinta ee Itoobiya ayaa sheegtay sawirka loo daabacay si kama’ ah, waxayna ka bixisay raalligalin

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhacdo bisha August ee sanadkan.

Tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii, Mr Abiy ayaa hormuud u noqday isbaddal siyaasadeed oo ka curtay Itoobiya, kaasoo saameyn aad u weyn yeeshay.

Tallaabooyinkii uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu sii daayay maxaabiistii arrimaha siyaasadda u xirneyd iyo inuu xor ka dhigay warbaahinta.

Hase ahaatee shakhsiyaad ayaa lagu eedeeyay inay xorriyadda noocaas ah u adeegsadeen inay ku kiciyaan xiisado qabiil iyo fidinta warar been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanayo dowladda Mr Abiy.

Arrintan waxay horseedday in dowladda ay la timaado sharciyo cusub oo lagula tacaalayo wararka marin habaabinta ah iyo kicinta dadweynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this