Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xiiso leh:Maxaa sababay in madaxdu xukunka isku dhajiyaan?+Madaxda Kursiga ka fuqi weyday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaa sababa in madaxdu ay xukunka isku dhajiyaan?

Vladimir Putin oo isagoo feero qaawan faras saaranVladimir Putin wuxuu u xusul duubayaa in isbadallo waaweyn lagu sameeyo dastuurka Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu isbuucan sheegay inuu taageeri doono sharci u oggolaan doona inuu labo jeer oo kale u soo istaago xilka madaxweynaha, arrintaasoo ah mid uu mamnuucayo dastuurka u yaalla dalka Ruushka. Putin wuxuu ugu dambeeyaa liis hoggaamiyeyaal ah oo muddo dheer xilalka soo hayay, laga soo billaabo Algeria ilaa Zimbabwe, dhammaantoodna waxay aad u jeclaayeen kursiga madaxtinnimada.

Sidaas darteed maxay tahay sababta u macaaneyneysa madaxda inay isku dhajiyaan kursiga – ama ay xitaa u jabiyaan – sharciyada u yaalla dalalkooda, si ay xukunka ugu sii nagaadaan?

Malacag darteed baa?

“Jawaabta ugu sahlan waa musuqmaasuq, waxay sameyn karaan lacag badan, waxayna kursiga isugu nabayaan si ay taajiriin u ahaadaan”, ayuu yiri Barfasoor Nic Cheeseman, oo wax ka qoray buuggii lagu magacaabay “Sida loogu shubto Doorashada”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Laakiin run ahaantii, waxaa jira waxyaabo kale oo aan si fudud lagu fahmi karin oo arrintaas ku gadaaman”.

Sida uu Barfasoorkan sheegay, waxa ay hoggaamiyeyaashu ka baqaan, oo lacagta xitaa uga daran, waa in dacwado lagu soo oogo marka ay xilka ka dagaan. Waana gartood inay cabsadaan.

Cilmi baarista buuggiisa lagu soo bandhigay ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxeysay 1960-kii ilaa 2010-kii ay qaaradda Afrika hoggaamiyeyaasheeda 43% dacwado wajaheen kaddib markii ay xukunka ka dageen, iyagoo qaarkood dibad joog laga dhigay qaarkoodna la dilay.

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-BashiirMadaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al- bashiir(Midig) waxaa lagu helay dambi musuqmaasuq ah, sidoo kalena wuxuu maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku wajahayaa dacwado la xiriira dambiyo dagaal

Taasi waa halis saameyn weyn leh, laakiin intaas kaliya kuma eka arrimuhu.

Dadka u dhow

Waxaa sidoo kale jira cadaadis madaxda uga imaada dadka u dhow maamulkooda ama xitaa qoysaskooda, xulafadooda dhinaca siyaasadda, booliska iyo milatariga laga yaabo inay maamulka helitaankiisa ku caawiyeen.

p05d30fq.jpg
Maxaad kala socotaa xukunka iyo siyaasadda Angola

Dhammaan dhinacyadan waxay isku dayaan inay hoggaamiyeyaasha kula taliyaan sidii ay xukunka ugu sii dhagganaan lahaayeen.

“Xitaa marka aad adigu dareento in la gaaray wakhtigii aad xafiiska banneyn lahayd, waxaa jira dad badan oo intey albaabka kuu soo garaacaan kugu dhahaya ‘arrintan waxba kaama khuseeyaan adiga’, ” ayuu yiri Barfasoorka.

“Mana aha dad aad hadalkooda kasoo horjeedsan kartid, waayo waxay naftooda usoo hureen sidii ay heerkaas kuu gaarsiin lahaayeen”.

Barfasoor Cheeseman wuxuu helay caddeyn muujineysa in dadkuu ku hareereysna amadaxweynihii hore ee Zimbabwe ay kaalin weyn ku lahaayeen go’aankiisii ahaa inuu xilka iska sii heysto.

.Robert Mugabe, wuxuu hoggaamiyaha Zimbabwe ahaa muddo 37 sano ah, ka hor inta aysan afgambinin xulafadiisii hore ee milatariga

Laakiin waxaa laga yaabaa inuu jiro wax intaas kasii weyn oo kaalin ka qaadanaya in qofka uu xilka ka fuqi waayo, kaasoo noqon kara wax maskaxdeenna ku abuuran oo na jecleysiinaya madaxtinnimada.

Madaxnimo jacayl

Dr Dacher Keltner wuxuu toban sano ka hor arrintan ka qoray buug la magac baxay “The Power Paradox”.

“Paradox” waa dadka xukunka qabsada iyagoo la jecel yahay. Waxay kasbadaan kalsoonida dadka ku hareereysan – ha ahaado madaxa koox teeniska ciyaarta oo maxalli ah, shirkad nasiib badan ama xitaa waddan dhan.

Laakiin dadka noocaas ah marka ay maamulka gacanta ku dhigaan waxay noqdaan bahallo.

.Ra’iisul Wasaaraha awoodda badan ee Cambodia, Hun Sen wuxuu xukunka heystaa tan iyo 1985-kii

Cilmibaaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday, dadka markii xukun loo dhiibo, xitaa hadduu wakhti gaaban yahay, ay dabeecadahooda isbadalaan.

Waxay billaabaan inay sameeyaan waxyaabo ay iyaga uun faa’iido ugu jirto, waxaana ka dhammaata naxariista ay u hayaan dadka kale.

Waxay badanaa aaminaan inay iyaga uun saxan yihiin.

Waxay noqdaan dad ad-adag, ficil qallafsan, ayna u badan tahay inay qof walba ka dhex galaan marka ay dadka kale la hadlayaan, ama indhahooda iska ilaaliyaan.

In wanaag la dareemo

Daraasado badan oo lasoo saaray ayaa lagu ogaaday in dadka marka ay xukunka qabsadaan ay noqdaan kuwo aan si daggan u falcelin karin ama maskaxdooda aysan fadhinin.

Carruurta taajiriinta ah ayaa kuwa faqiirka ah uga dhow inay waddada khaldan qaadaan.

Yoweri MuseveniMadaxweynaha Uganda Yoweri Museveni wuxuu markii shanaad xilka madaxweynaha u tartamay sanadkii 2016

“Labo ka mid ah saddexdii ficil ee xasilooni darro ah waxaa geysta dad xilal sare haya”, ayuu yiri Dr Keltner.

Taasina waa sababta uu aqoonyahankan u aaminsan yahay in xukunka uu yahay wax balwad u noqda dadka.

Dr Keltner wuxuu sheegay in dadka xukunka haya ay u dhaqmaan sidii bukaan uu dhaawac ka gaaray qeybo ka mid ah maskaxda, kaasoo baddalay dabeecaddooda.

Wuxuu macluumaadkaas kasoo qaatay daraasad uu sameeyay seynisyahan lagu magacaabo Sukhminder Obhi.

Madaxweynaha Belarus Alexander LukashenkoMadaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko, oo hadda markii shanaad xilka haya waxaa lagu cambaareeyaa inuu yahay kalitaliyihii ugu dambeeyay ee Yurub

Hadalkaas ku saabsan bukaannada maskacda wuxuu horseeday falcelinno xiiso badan oo ka yimid dadka yaqaana bukaannada noocaas ah.

“Qof maskaxda dhaawac ka qaba ayaa ii soo diray qoraal uu ku leeyahay, ‘Sideed ugu dhici kartaa? aniga waxaan aad uga dhaqan fiicanahay Donald Trump”, ayuu yiri.

Sidaas awgeed waa suurtagal in qofka xilka qabta uu galo kibir, uuna aamino inuu leeyahay awood, yahayna qofka kaliya ee wax hoggaamin kara.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this