Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo eedeyn u jeedisay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15839651005108530.jpg?w=1000&ssl=

Afhayeenka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo ka qeyb galay munaasadab ka dhacday Dhuusomareeb ayaa eedeyn u jeediyey Puntland.

Taardhuleed ayaa sheegay in haddii ficilada ay wado Puntland joojin weydo, ay Galmudug ka heli doonto jawaabta ay mudantahay.

“Waxaan rabaa halkan in aan baaq uga diro Puntland, waa dadaan deris nahay, waa dadaan ehel nahay, waa dadaan qaraabo nahay, Galmudug waxay idin ka mudan tahay ixtiraam iyo derisnimo, taas aan kuwada shaqeyno, haddii aan taas kala weyno, wixii aan kala helno baan leenahay”. ayuu yiri Afhayeenka Galmudug.

Taardhuleed oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Wadaadadii aad soo dhaweyseen kama xumin soo dhaweeya, laakiin waxaan rabtaan in aydaan ka shaqeyn dhibaatada Galmudug, baaqa aan dirayo waxaan u jeedinayaa madaxda, shacabka Puntland waa shacab sharaf leh wax shido iyo shar ah oo aan ka maleysanaanaa ma jirto, shidada waxaa wada madaxda maamulka u kala dambeeyey”.

Taardhuleed, wuxuu Madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas ku eedeeyey in uu faragalin ku hayay dhismihii hore ee Galmudug, halka uu Madaxweyme Deni ku eedeeyey dhibaato uu hadda ka wado Galmudug.

“Dhismihii Galmudug 2015, Cabdiwali Gaas ayaa u istaagay in Galmudug aysan cagaheeda ku istaagin, hadana Deni baa u taagan in uu ka sheeyo dhibaatada Galmudug, dadka reer Galmudug waa ku arkaan waana iska kaa celinayaan” ayuu hadlkiisa ku soo gabagayeeyey Taardhuleed.

Hadalka Galmudug ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Puntland ku sugnaayeen hoggaankii Ahlusunna, oo markii dambe u safray dalka dibadiisa.

PUNLAND POST

The post Galmudug oo eedeyn u jeedisay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this