Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Bin Salmaan Oo Xidhay 3 Ka Mid Ah Amiirada Ugu Sarreeya Boqortooyada Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salman ayaa xidhay saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya qoyska boqortooyada, oo ay ku jiraan boqorka walaalkiis iyo dhaxal-sugihii hore.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Maxamed uu ku xajisanayo awooddiisa, iyo inuu arko halis kusoo socota.

Xadhigan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo la hadlay wargeyska New York Times. Sidoo kale sarkaal hore oo sare oo Mareykan ah ayaa xaqiijiyey xadhiga.

Xubnaha la xidhay ayaa waxaa ugu sarreeya Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, kaasi oo mar loo arkay rajada boqortooyada iyo in aanu ogolaan in Maxamed bin Salmaan uu la wareego kursiga.

Waxaa sidoo kale la xidhay Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, kaasi oo xidhiidh wanaagsan la lahaa sirdoonka Mareykanka intii uu xilka hayey.

Bin Nayef ayaa labadii xil ee uu hayeyba waxaa ka qaaday Maxamed bin Salmaan 2017-kii, kaasi oo sidoo kale geliyey xabsi guri.

maxamed-bin-Salman.jpg

Mid ka mid ah sababaha la rumeysan yahay in Maxamed bin Salmaan uu u xidhay amiiradan ayaa ah gabowga aabbihii boqor Salmaan oo hadda ah 84 jir.

Waxaa loo arkaa in Maxamed bin Salman uu doonayo inuu xabsiga sii dhigo shakhsiyaadka ka hor iman kara inuu awoodda la wareego marka boqorka uu geeriyoodo ama uu kursiga iska wareejiyo.

Dowladda Sacuudiga kama hadlin xadhiga xubnahan, islamarkaana safaaradda boqortooyada ee Washington oo wax laga weydiiyey waa ay diiday inay jawaab ka bixiso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this