Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir KOORE Oo 2 Maalmood Ka Dib Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Dilkii Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool+ Madaxtooyadda Oo Aan Wali Ka Hadal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa laba maalmood ka dib dhambaal tacsi ah u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool.


Qoraal lagu baahiyay barta wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa lagu yidhi sida tan:


Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ku hadlaya magaca dawladda waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum- Xasan Sh.Maxamuud Cumar oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, oo dhawaan gacan ka xaq-darrani dishay.

Wasiirku wuxuu Marxuumka ku tilmaamay masuul ummaddiisa u adeegayey oo gacan ka xaq-darrani dishay, waxaanu EEBE uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland-na Samir iyo iimaan saaqiq ah ka siiyo.

Madaxtooyadda Somaliland ayaa wali wax tacsi ah u dirin Marxuum- Xasan Sh. Maxamuud Cumar oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, oo dhawaan gacan ka xaq-darrani dishay.

Xoghayeha Guud Ee Ururka Qareenada Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu si kulul uga hadlay aamusnaanta xukuumadda ee dilkii Gudoomiyihii Maxkamadda Sool waxaanu yidhi “Alle ha u naxariisto Gudoomiyihii Maxkamadda Sool. Waxaanu se aad uga xunay ilaa hadda in aan xukuumadda,madaxda garsoorka iyo laamaha amaanka midna ka hadal sababta dilkiisi.

Sidoo kale xukuumadu ilaa heer madaxweyne aan xataa ilaa hadda la maqal wax tacsi loo diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Runtii ka garyaqaano ahaan aamuskaa waxa aanu u aragnaa in uu yahay arin aad u fool xun. Waxa aanu xukuumada iyo laamaha amniga ugu baaqaynaa in arintaas oo bulshadu si wayn wax iskaga waydiinaysay ay si faahfaahsan uga hadlaan.

Sidoo kale guud ahaan bahda Garsoorka waxa aanu ugu baaqaynaa in ay gacmaha is qabsadaan oo si wada jir ah looga shaqeeyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa meeqaamka uu garsoorku ku dhex leeyahay Dawlada.

Anigoo qormooyin kale kaga hadli doona dayaca garsoorka haysta waxa aanu xukuumadda iyo madaxda garsoorkaba ugu baaqayaa in ay arintaa si deg deg ah oo faahfaahsan warkeeda bulshada ula wadaagaan.

Sidoo kale si gaara waxa aanu madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu arinta garsoorka hoos u eego. Haday tahay duruufta ay garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaashu ku nool yihiin; iyo haday tahay dhinaca amaankoodaba.

Xoghayeha Guud Ee Ururka Qareenada.

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this