Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan dhanka internetka ah la yeeshay dhaqaatiirta isbitaal Martiini, si uu farxadda ula qeybsado, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka ay dalka uga badbaadinayaa safmarka CoVID19

100744297_3095263430525471_6443019644914

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday Coronavirus

Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamulka Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus.

Geerida wasiir Gama’diid ayaa waxaa goor dhow xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedlka Soomaaliyeed ee Puntland.

AUN Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagula taacalayey xaaladdiisa magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan xaalad caafimaad looga soo qaaday magaalada Garoowe oo uu kula dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u sameeyey cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa war ka soo saaray geerida Marxuum Gama’diid, wuxuuna tacsi u diray golaha xukuumadda iyo sidoo kale hellada maxmuuka oo uu alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

25 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.

> New cases confirmed today: 95
> Somaliland: 72
> Benadir: 17
> South West: 4
> Galmudug: 2

> Male: 65
> Female: 30
> Recovery: 31
> Death: 5
------------------------------------
Total confirmed cases: 1,689
Total recoveries: 235
Total deaths: 66

For more information, please visit:

Website: www.moh.gov.so
Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19
WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia

99152401_2799450426844791_53071017225591

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Caafimadka oo markale kaashanaysa Nomad Innovation Lab, oo ah Urur Dhalinyaro Soomaaliyeed, oo ka caawiyay Wasaaradda Caafimaadka in ay yeelato hab casri ah ee loo soo bandhigo xogta COVID-19 ee Soomaoliya, waxaanu soo kordhinay xogta:

- Irdaha wadanka laga soo galo
- Goobaha lagu xanaaneeyo bukaanada COVID-19

Xogtaan cucub waxaad ka heli kartaan botomada ku yaalla qariidada hoosteeda.

Dashboard: https://moh.gov.so/en/covid19/

Mahadanidiin Nomad Innovation Lab.

98447646_2799644653492035_34143815759141

Share this post


Link to post
Share on other sites

26 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.

> New cases confirmed today: 22
> Somaliland: 14
> Banadir: 5
> Jubbaland: 1
> South West: 1
> Hirshabelle: 1

> Male: 11
> Female: 11
> Recovery: 18
> Death: 1
------------------------------------
Total confirmed cases: 1,711
Total recoveries: 253
Total deaths: 67

For more information, please visit:

Website: www.moh.gov.so
Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19
WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia

100887720_2801486976641136_6789202135050

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khayre oo amray in gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo magaalada CADAADO

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda caafimaad ee ku soo korortay Galmudug.

Shirka oo ahaa mid hab Online ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbixin laga dhageystay.

Qoor-Qoor ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19 oo fara ba’an ku haya maamulkaasi.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre  ayaa amray in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo degmada Cadaado oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyey xanuunka.

Dhinaca wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaaladaasi uu ku wajahayn madaxeeynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) si u soo qiimeeyo halista caafimaad iyo qalab la’aanta laga soo sheegayo halkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhowaad 10 qof Covid-19 ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, waxaana haatan xaalad deg-deg ah lagu soo rogay gudaha magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

27 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.

> New cases confirmed today: 13
> Somaliland: 8
> Benadir: 5

> Male: 10
> Female: 3
> Recovery: 12
> Death: 0
------------------------------------
Total confirmed cases: 1,731
Total recoveries: 265
Total deaths: 67

For more information, please visit:

Website: www.moh.gov.so
Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19
WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia

100509541_2803902699732897_7118847115605

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lataliyaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19. Lataliyaha ayaa xaqiijiyay 13 xaaladood oo COVID-19, xaaladahan ayaa waxaa laga soo kala xaqiijiyay Maamulka Somaliland 8 xaaladood iyo Gobolka Banaadir 5 xaaladood.

Tirada guud ee la xaqiijiyay ayaa ah 1,731, waxaana ka bogsooday 12 bukaan iyada oo aysan jirin 24kii saac ee lasoo dhaafay wax geeri ah.

Lataliyaha ayaa bulshada la wadaagay in la gaarsiiyay Maamulka Galmudug deeq daawo ah oo lagula dagaalamaayo caabuqa COVID-19. Sidoo kale wuxuu cadeeyay sababta ka danbeesa faafidda caabuqa ee Gobolada in ay ka danbeyso isku socodka bulshada loona baahanyahay in la yareeyo isku gooshida.

Ugu dambeyntii waxa uu ka codsaday dhammaan dhalinyarada in qeyb weyn ka qaataan wacyigelinta ayna iska badbaadiyaan caabuqa ayaga iyo qoyskoodaba.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kiisaskii ugu horeeyey COVID-19 oo laga helay Laascaanood iyo khatar laga Dayriyey

Laba qof ayaa wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool ku dhawaaqday in laga helay COVID-19 magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo la sheegay in xaaladoodu ka soo raynayso xiligan.

"Waxaan haynaa laba qof oo bukaan ah, haatana xaaladoodu aad ayay uga soo raynaysaa" sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Isuduwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool oo intaas ku daray in cabsi badan ay magaalada ka jirto iyadoo buu yidhi aanay dadka magaaladu uba soo jeedin wacyigelinta.

Kulan ay saaka ku yeesheen gudiga ka hortaga COVID-19 xarunta wasaarada Caafimaadka ayay ka soo jeediyeen in bulshada la fahansiiyo dhibaatada uu xanuunkan leeyahay iyo sida fudud ee uu u faafo.

Waxa ay gudigu sheegeen in haatan baadhista iyo daweyntuba ya yihiin Bilaash, iyagoo aad ugu dheeraaday in laga hortago khatar aan hadhow wax laga qaban karin.

Guud ahaan gobolka Sool ayaan haba yaraatee aanay jirin wax isbedel ah oo looga hortegayo xanuunkan marka laga reebo goobaha wax lagu barto oo xidhan taasina waxay si fudud u faafin kartaa xanuunka oo dad badan oo bulshada ka mid ah shaki ay ka qabaan gooniyaynta oo ay isku difaacaan in hargab uu hay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.