Saalax

Breaking News : President Farmaajo coming to Hargeisa, Somaliland region

Recommended Posts

 
 
 
 
 
 
4
14 hours ago, Oodweyne said:

I am always on the good mood when it comes chasing teeming Ilma-Gumeed ninnies around here of SOL. And that, in case you don't know this much of it, start with Dh-abayaco boy like you and it ends with one or two other guys of this sort of description. Who for the purposes of this comment shall remain nameless, or at least we shall give it a pass when it comes to mentioning their names. 😎

I find reer Waqooyi generally funny, my experience with my reer abti (dhulos)and some cousins (Habar-J) have been one of humor so have been my interaction with the general public from those regions. Now, it seems to me bitterness has damaged your humor, I am assuming you had one, to begin with.

Lighten up, or at minimum see a therapist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The people who thought really the cheese fellow was going to visit Somaliland. We're living in real fantasy. Also abiye Ahmed  think somaliland Somalia conflict is an easy conflict. Its deeper then Ethiopia and Eritrea. Our stand off deeper more bitter and more casualties on both sides. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhaqaale   
3 hours ago, Oodweyne said:

Lool, listen to this ninny waffling with empty bravado. Mate, if ever there is a wretched hell-hole in the whole of the Somali peninsula at this point in time, it could be said it's where Mr Farmaajo was allegedly said to be ruling it. Which is Somalia since it's a place where African's Bantu's hired mercenaries occupation on one hand, coupled with murderous Al-Shabaab's endless and pitiless campaign of a wanton destruction sort on the other hand, is cumulatively raging on it now.

Hence, if I were you I would seek urgent help about this delusion in which you are ailing with it now, which in turn seems to have you in its grip to the extend that you actually and freeakingly think that the likes of Mr Farmaajo who can't secure the mere roads that passes in the middle of Mogadishu is in any state whatsoever to "improve" the health and the education of the average citizens of Somalia. What a contemptible argument you must be dealing with it in here, mate.   

When the oil and gas money start rolling in, I don't want to see you in your rag tag clothes queuing up with your begging bowl asking for a handout.

So keep prostituting yourself to the world (tell them about the dead bodies) I am sure U.N recognition is just around the corner.🤭

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Marqaanweyne Muqayil dhuumasho ayuu ka bixi la yahay maalmihii u dambeeye. Intee ka baxaa meel Alle soo taaganyahay markee Xabashada ku qasbeen in uu magaalada Soomaaliyeed ee Hargeysa madaxweynihiisa ku soo dhaweeyo si qasab ah. Hurdo la'aan iyo marqaan badan ayaa ku dhacday.

Reer Hargeysa ‘oo baafinaya’ madaxweyne Muuse Biixi

Xisbiga Waddani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dadka reer Hargeysa ay baadi goobayaan madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbigaas ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa.

“Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda,” ayuu yiri Barkhad Jaamac.

Afhayeenka ayaa tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ku sheegay inay ahaayeen kuwa liddi ku ah jiritaanka iyo dastuurka Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Somaliland.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa kusoo aadayo xilli  Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan uu sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin.

Xigasho

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fowsiya Yuusuf: Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Hargeysa

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka, islamarkaana deegaan doorashadeedu tahay Somaliland ayaa ka hadashay safarka la sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegayo magaalada Hargeysa.

Fowsiya oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso ‘safarka Farmaajo’, islamarkaana ay bogaadineyso.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay tahay mid aad loogu farxo, ka xildhibaan ahaana ay soo dhoweyneyso.

“Waxa aan leenahay Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waana ku bogaadinayaa tallaabadaas oo ah runtii wax lagu farxo, diyaarna u noqdo wax waliba uu kala kulmo”. ayey wareysigaan ku tiri Fowsiya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay soo dhaweyneyso dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ee uu ku doonayo inuu isugu soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland.

Ugu dambeyn Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, islamarkaana ka soo jeeda gobollada waqooyi inay Muqdisho u joogaan midnimada iyo israaca Soomaaliya iyo Somaliland.

“Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, waxa ay halkaan u joogaan Midnimada iyo in ay Soomaali is raacdo, oo ay dib u hesho sharafteeda iyo karaamadeeda, waynu taageereenaa hab waliba oo lagu gaari karo”. ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Safarka la sheegay in Farmaajo iyo Abiy ku tegayaan markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ayaa noqday mid aad loo hadal hayo, waxaana ku kala qeybsamay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaasi.

Xigasho

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maareeye: “28 sano ayay Somaliland lahayd siyaasad looga taliyo marfishyada”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la hadal hayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay inuusan isaga ka war qabin safarkaas la sheegayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa uusana diyaar u aheyn inuu ka hadlo.

“Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli mayo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye .

Wasiir Maareeye oo kasoo jeedo Somaliland, ayaa kula taliyey shacabka halkaas inay ka faa’ideystaan fursadda hor taalo, isla markaasna ay isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa iyo Beesha Caalamka.

“Waxaan kula talinayaa shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo ay kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo adduunka oo haddii aad ka hartaan mar dambe aadan heli doonina fursad aad kula qabsan kartaan, ” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa is waydiiyey dhibaatada ku jirto in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xataa haddii ay u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweyne wadan daris la ah Somaliland.

“Madaxweyne Farmaajo waa qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaa kaasoo ay dano uga xiran yihiin Somaliland, maxaa diidayo in Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyo Hargeyso sidii loogu soo dhaweyn lahaa madaxda wadamada dariska ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa Somaliland ku eedeeyey inay 28 sano isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aan Somaliland dhaafsiisneyn.

28 sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfishyada looga taliyo oo aanay maskaxdu iyo siyaasiyiinta talin,” ayuu yiri Maareeye. s0239.gif s0239.gif

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Farmaajo wuxuu sawirayo oo la fal-galayo ma'ahan odoyaashaan hawl-gabkaa oo hargaysa jaadka ku cunaya.

Wuxuu akhrinayo waa rabitaanka dhalinyarada soomaaliya oo dhan meeshay doonaan haku noolaadeen. 

Waxaad ka ogaan kartaan si sahlan social mediaha, iska walwalaaqa, wax fiyow iyo wax waalanba labaduba way kaaga soo bixi.

Lahjad kasta oo soomaalidu ku hadasho waa lagu amaanay farmaajo.

Waana midda laleemada ku riday horjoogayaasha reer land oo dhan.

Hadiiba ay dhacdo inuu tago hargaysa waxaad ogaan lahaydeen xaqiiqda dhabtaa.

Qof joogay maalintii siyaad barre la dhagax tuurayay hargaysa maydinku jiraa?

Waan hubaa inay ubax badan farmaajo ku tuuri lahaayeen ayagoo ka raali gelinaya adeerkiis siyaad barre iyo beentii laga sheegay.

Midna waa in la fahmaa walaalayaal anagoo isku duuban

Dhalintan gobolada waqooyi, 30 sano bay maro sadex midab leh, una taagan sadexda jufo hoos taagnaayeen, wayna u jeedaan inaan waxba kasoo naaso cadayn, kuma filna, beel yar, iwm odayaashii marada tolayna khaatumo xumo lasii gaboobayaan.

Farmaajo ama ha tago ama ha joogo dadku siduu isu doonayo yaa ka muhiimsan wayna muuqataa sida qoraxda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dr.odweyne

Erayga ina gumeed kama xanaaqo marnaba waxaan soo taagnaa markaan ilma gumeedka noqonay oo dawacadu madaxa naga leeftay, adigu ingiriiskaad joogtay berigaas sidaan filayo waxaana laguu sheegay in faqashtii laga xoroobay, oo beeshii jamhuuriyad xoriyad doon ah ku dhawaaqday.

Talo aan kusiiyo aad qaali u ah.

Aqoontaadu macno samayn mayso hadii aadan caqiidaada waxba ka aqoon xataa inta asaasiga ah baro sida gaaladana istaagga haku kaadshin maryahaaga najaasada ja ilaali waligaa.

Mad-habaduhu waa afar xanbali,xanafi, maaliki, iyo shaafici.

Waxay leeyihiin mas-alo khilaafiya ah ama aysan isku si u arag.

Afartuna waxay isku khilaafeen mid walbaa waa sax, oo dambi ku gelin mayso, waxaa kaliyoo lagaa rabaa inaad mid ka mida maslaxadaada shrciga ah waafajiso si arimahaagu u toosaan macnaha kala doorashada yaa laguu badiyay.

Snm waxay hortaagan tahay ama meel ugu xaraysan geel guran oo ubadkii ka tagey

Afarta mad-habadood midda axwadkaa qaata intuusan gabalku idinku dhicin.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.