Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo waqti u qabtay xilliga la awood tirayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa warbixin cusub ku sheegay in hadafkooda u yahay inay wiiqaan awoodda Al-Shabaab oo ay ka dhigaan koox aan fulin karin weeraro, ugu dmabeyn September 2021.

Hase yeeshee xaaladda militari ee Soomaaliya, ayaa sida uu qiimeeyey baraaha guud ee wasaaradda difaaca Mareykanka, ka dhigeysa in damacaas aan lagu guuleysan karin.

AFRICOM ayaa daraasad loo gudbiyey wasaaradda difaaca kusoo bandhigtay “qorshaha ololaha,” kaasi oo ay ku xaqiijisay in hadafka uu yahay in lagu wiiqo Al-Shaabab, ugu dambeyn September 2021.

Sida ay sheegtay AFRICOM, macnaha ayaa ah in Al-Shabaab aysan awood u yeelan doonin inay weeraro culus ka fuliso gudaha Soomaaliya ama dalalka deriska la ah, sida Kenya.

Hase yeeshee, qiimeyn uu sameeyey baaraha guud ee wasaaradda difaaca, ayaa muujisay in bilihii dhowaa “ay jirtay kaliya saameyn kooban oo ka dhalatay qorshaha lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee meelaha ka baxsan Muqdisho.”

Sida lagu sheegay qiimeynta, tani waxaa ugu wacan booliska Soomaaliya oo aad u tabar-darran iyo ayada oo aysan jirin dhaq-dhaqaaqyo xasilin ah, sida maamul dowladeeda deegaanka ah oo laga hir-geliyo goobaha laga saaro Al-Shabaab.

Waxaa taas sii dheer “inaan wax horumar ah laga sameyn” qorshaha AFRCIOM ee ah in la abuuro xeendaab amni oo ku hareereysan Muqdisho.

Qiimeynta sirdoonka militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay sii waddo inay halis sare kusoo rogto ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Amisom, iyo kaabayaasha dalka.

“Al-Shabaab weli waxay leedahay awood, in kasta oo sanaddii tagtay uu Mareykanka gudaha Soomaaliya kula beegsaday 63 duqeyn,” ayaa lagu yiri qiimeynta.

Laba toddobaad ka hor, taliyaha AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend ayaa Senate-ka Mareykanka u sheegay in dhammaan kooxaha xagjirka ah ee ka jira Afrika, “ay Al-Shabaab maanta tahay tan halista ugu badan ku ah danaha Mareykanka.”

Horraanta bishii Janaayo, Al-Shabaab waxay weerar aroor hore ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay oo ku yaalla gobolka Lamu ee dalka Kenya. Waxay halkaas ku dishay askari iyo laba qandaraasle oo Mareykan ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this