Deeq A. Posted February 6, 2020 Kismaayo (SMN) – Mid kamid ah wax-garadka gobolka Jubadda Hoose oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamay duleedka magaalada Kismaayo. Nabadoon Cabdinuur Cabdulle ayaa tilmaamay in dhankooda ay sameyn doonan wax kasta oo ay ku joojin karaan. Maamul goboleedka Jubaland ayuu ugu baaqay in uu soo farageliyaan xaaladda kahor inta aysan meel xun gaarin. Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayuu ku booriyey in ay u turaan caruurtooda maadaama ay iyaggu saameyneyso. Ku dhowaad 20 qof ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen dagaalo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka galbeed ee caasimadda gobolka Jubadda Hoose, kaasoo salka ku haya aanooyin qabiil. View the full article Share this post Link to post Share on other sites