Deeq A. Posted February 5, 2020 Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka warbixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradahooda dagaal ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in howgal ay iska kaashanyeen ciidamada dowladda fedraalka ee sida gaarka ah u tababaran iyo diyaarado dagaal laga fuliyey gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in howgalka ciidamada huwanta ah oo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo hoostaga magaalada Kismaayo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab ,kaas oo lagu duqeeyey saldhig uu ku sugnaa. Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu baarayo, haddii ay jiraan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah. Ugu dambeyn wuxuu talisku tilmaamay inay sii wadi doonaan duqeymaha iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites