Sign in to follow this  
Deeq A.

Caabuqa Corona Oo Saameyn Ku Yeeshay Dhaqaalaha Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xayiraada dhanka socdaalka oo Mareykanka ku soo rogay diyaaradaha ka yimaada dalka Shiinaha ayaa saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Mareykanka.

Coronavirus-2.jpg

Iyadoo laga cabsi qabo caabuqa Corona ee ka dilaacay gobolka Wahun bishii December, ayaa xukuumada Washington waxay xayirtay dalxiisayaasha Shiinaha.

Meelaha sida goonida ah looga dareemayo oo ay tagi jireen dalxiisayaasha Shiinaha ayaa waxaa ka mid ah gobolada California, Buffalo New York iyo magaalada Niagara.

Diyaarada Mareykanka ayaa hakisay duulimaadyadii Shiinaha iyadoo madaxweyne Donald Trump uu soo saaray in Mareykanka ayna gudaha u gali karin dadka labadii toddobaad ugu danmbeysay ku sugnaa Shiinaha.

Mareykanka ayaa lacag dhan 2.8 milyan oo doollar sannadkii 2019-ka uga soo xarootay dalxiisayaasha Shiinaha, sida ay xaqiijisay jaamacada Oxford qeybteeda ka faaloota Dhaqaalaha.

Caabuqa Corona ee ka dilaacay shiinaha ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhay 400 boqol waxaana uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii Shiinaha iyo dalalka kale ee Caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this