Deeq A. Posted February 4, 2020 Saraakiisha milatariga ee howgalka nabad ilalainta Midowga Africa ee AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen qorshaha lagu dhimayo ciidamada AMISOM ka jooga gudaha Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil milatari oo ka kala yimid magaalooyinka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya,waxaana kulankaasi sidoo kale goob joog ahaa gudiga howgalada ee AMISOM. Sidoo kale taliyeyaasha milatari ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo saraakiil ka socota dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ka qeyb galay,waxayna ka doodeen xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo qorshaha AMISOM ay uga baxeyso guud ahaal dalka. Taliyaha ciidamada AMISOM General Tigabu Yilma ayaa sheegay in gudiga howgalada AMISOM ay ka wada hadli doonana xaalada amaan ee Soomaaliya,iyo howgaladii ugu dambeeyay ee AMISOM. General Tigabu Yilma ayaa sidoo kale tilmaamay in muhiimada kulanka ay tahay sidii looga doodi lahaa qorshaha dhimitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo qararakiisa uu soo saaray golaha amaanka ee QM. AMISOM ayaa kun askari kala baxeysa Soomaaliya dhamaadka bishan Febraayo,waxaana socda dadaaladii ugu dambeeyay ee AMISOM ammaanka dalka ugu gacan galinayso ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites