Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Kenya Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow Magaalada Caasimadda u ah dalka Kenya ee Nairobi uu ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Toroitich Arap Moi.

Kenya.jpg

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay cisbitaal ku yaalla Nairobi, hayeeshee Goordhow Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay inuu xanuunkaas u geeriyooday.

Daniel Toroitich Arap Moi ayaa xilka Madaxweyne ee Kenya ka degay 2002, waxaana uu dalkaas maamulkiisa uu haayay 24-sanno, waxaana uu ku dhintay da’da 94-sano.

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, waxaa uu na kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this