Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo u hambalyeeyay doorashada Qoor-qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka dhacday magaaalada Dhuusamareeb.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee ay  galiyeen sidii hannaanka Maamul ee Galmudug u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose ee Xamar wuxuu balan qaadeyaa inay si dhaw ula shaqeyn doonaan oo aan garab taaganyihiin hogaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Waxaan Ugu duceynaaya Madaxweynaha cusub ee Galdmudug iyo ku-xigeenkiisa in uu alla u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, islamarkaana ay ku guuleystaan wajibaadka iyo howlaha culus ee horyaala.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this