Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo digniin u dirtay beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ayaa digniin ka dhan ah madax-banaanideeda u dirtay Beesha Caalamka, midaasi oo ay uga digeysay in gobolka laga sameeyo faro-gelin wax u geysaan kara madax-banaanida Somaliland.

Somaliland ayaa Beesha caalamka uga digtay faro-gelin kasta oo waxyeelo ku noqon karta madax-bannaanideeda, xornimada siyaasadeed iyo mideeda dhuleed.

Wasaarada arrimaha dibeda Somaliland, ayaa digniintaasi Beesha caalamka ugu dirtay War-saxaafadeed ay maanta soo saartay, kaasi oo ay jawaab kaga bixinaysay war-saxaafadeedkii wada-jirka ahaa ee ay soo saareen Guddida doorashooyinka ee Soomaaliya iyo beesha caalamka 28-kii Bishii Janaury, 2020-kii.

Wasaarada ayaa sheegtay in Somaliland ay ka jirto dimuqraadiga ugu xoogga badan ee Bariga Afrika, sidaas darteed aanay habboonayn in la isku khaldo geddi-socodka tijaabada ah ee aan laga heshiin ee dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka u cadeynayso inay sii wadayso dimuqraadiyadeeda iyo kaalinta ay ku leedahay nabadgelyada gobolka iyo gacan siinta Komishanka doorashooyinka ee maamulkeedu sameystay.

Wasaarada ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqday beesha caalamka inay  dhex ka noqdaan oo ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo ammaanka gobolka, iyadoona xustay inay soo dhaweynayso in beesha caalamku ay dhiirigeliyaan wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya si ay labada dhinac u xaqiijiyaan nabad-gelyada iyo iskaashiga ay yeelan karaan.

83935459_1572003549615178_87299433403693

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this